Friday, October 30, 2020
More

    XOG LA HELAY: Mareykanka miyaa loo sii sheegay weerarkii Gantaallaha ee Iiraan ku qaaday Sadhigyadooda Ciraaq..?

    Waxaa soo baxaya xog ku saabsan in Mareykanka uu sii ogaa weerarka Gantaalaha ee xalay saqdii dhexe kadib Iiraan ku qaaday laba saldhig oo ciidamadiisa ku leeyihiin dalka Ciraaq.

    Dowladda Iiraan ayaa xalay saqdii dhexe kadib la xiriirtay Ra’iisal wasaaraha Ciraaq Caadil Cabd-mahdi oo farriin afka ah kusoo gaarsiisay in weerar jawaab u ah dilkii Jeneraal Qaasim Suleymani uu bilaabanayo waxyar kadib, waxayna u sheegtay in kaliya ay bartilmaameedsaneyso saldhigada ciidamada Mareykanka, sida uu sheegay afhayeenka Xukuumadda Ciraaq.

    Ad

    Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha Ciraaq Caadil Cabdi-mahdi ayaa la xiriiray saraakiisha dowladda Mareykanka ee hoggaamiya ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq, siiba saldhigyada la duqeeyay, waxaana wararku sheegeen in ay ka wadahadleen weerarka kusoo fool leh ee Iiraan.

    Sida ilo amni ah uu kasoo xigtay Telefishanka CNN ciidamada Mareykanka ayaa banneeyay saldhigyada ay weerartay Iiraan, waxaana inta badan Gantaallaha Iiraan la sheegay inay ku dhaceen meelo bannaan oo aanay wax qasaare ah ka dhalan. waxaana sidoo kale lagu beegay xilli dambe oo habeen ah oo ciidamada ay hurdaan kuna jiraan goobaha loogu talogalay inay ka difaacaan weerarradaasi oo kale

    Arrimaha oo dhan marka la isku daro iyo in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu xalay shaaciyey weerarka Iiraan kadib inay wax waliba wanaagsan yihiin ayaa muujineysa in weerarka Gantaalaha Iiraan uu ahaa mid ay hore u sii ogeyd dowladda Mareykanka oo aan wax qasaare ah geysan.

    17 Gantaal oo Iiraan la beegsatay saldhigga Ceyn-Al-asad ayaa 15 ka mida ay qarxeen, iyadoo 2 kale aysan qarxan, halka ilaa 5 gantaal oo lagu riday saldhigga Irbiil ee Kurdistan ay qarxeen, laakiin lama soo werin wax qasaare ah.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    148,683FansLike
    2,078FollowersFollow
    5,665FollowersFollow
    148,683FansLike
    2,078FollowersFollow
    5,665FollowersFollow

    TOP NEWS

    Waare oo degdeg u magacaabay Guddigii Doorashada Federaalka ee Maamulka Hirshabeelle (Akhriso)

    Madaxweynaha Waqtigiisu dhammaaday ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Ware ayaa magacaabay xubnaha maamulka Doorashooyinka ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

    XOG: Maxaa ka socda Hirshabeelle..? (Qorshaha Farmaajo, Maqnaanshaha Waare iyo aamusmaanta Mucaaradka)

    Maxaa ka socda Hirshabeelle..? waa su'aal dad badan is weydiinayaan xilli lagu dhawaaqay liiska xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulkaasi oo lagu...

    Faahfaahin: Gaari lagu Qarxiyey mas’uuliyiin u gurmaday guddoomiye Waaxeed la dilay iyo Qasaare ka dhashay..

    Gaari Miineysan ayaa goor dhoweyd lagu qarxiyey mas'uuliyiinta degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, kadib gurmad ay u sameeyeen guddoomiye waaxeed ka tirsan...

    Xubno ka tirsan Daacish iyo Alshabab oo lagu xukumay Dil toogasho iyo Xabsi (Akhriso magacyada)

    Maxkamadda ciidamada Qalabka-sida ayaa xukuno isugu jira Dil toogasho iyo Xabsi ku riday saddex eedeysane oo lagu eedeeyay...

    Xildhibaan Maareeye oo kashifay dagaal adag oo dhex maray Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed (Daawo)

    Wasiirkii hore ee Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa shaaciyey dagaal adag oo isaga iyo Mahdi Maxamed Guuleed ku...

    XOG: Sidee C/llaahi Goodax looga saaray Golaha Wasiirada cusub..? (Heshiiskii Ugaaska & Madaxweynaha)

    C/llaahi Goodax Barre - Wasiirkii hore ee Waxbarashada xukuumadda Soomaaliya- wuxuu ka mid noqday wasiirada xilalkooda waayey ee sida weyn loo saadaalinayey...

    Maxkamadda Ciidamada oo xukunno ku riday Alshabaabkii ka baxsaday Xabsiga Dhexe iyo 9 Askari oo ka tirsan…

    Maxamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukunno kala duwan ku riday 11 Qof oo ku eedeysan weerarkii ka dhacay...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!