Sunday, July 13, 2025

Basaasiin Alshabaab Dhex ku lahayd Hay’adaha Dowlada Somaliya oo la qabtay iyo…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in la qabtay basaasiin ay Alshabaab ku dhex lahayd Hay’adaha dowladda Federaalka Somaaliya.

Shir jaraa’id oo uu goor dhoweyd qabtay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys ayuu ku sheegay in Hay’adda NISA ay gacanta ku dhigtay ilaa 10 xubnood oo ahaa Basaasiin ay Alshabaab ku dhex lahayd Hay’adaha dowladda

Wasiirka ayaa sheegay in laba xubnood oo basaasiin u ahaa Alshabaab, kuna dhex jiray Hay’adaha amniga oo sirta u gudbin jiray Alshababa ay baxsadeen, kuwaasoo kala ah: Cabdisataar C/qaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamaed Cali.

Faahfaahin lagama bixin 10-ka xubnood ee la qabtay iyo haya’adaha ay ka shaqeyn jireen, xilalkii ay dowladda ka hayeen iyo sida ay ku baxsadeen labada xubnood ee ciidamda doladda ka mid ahaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON