Munaasabadda maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa Beelaha Gobolkaasi waxay Hubkooda ku wareejiyeen Maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.
Hub wareejinta waxaa goobjoog ahaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed, hogaamiyeyaasha beelaha degga Gobolka Mudug, Xubno ka tirsan Gobolaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada amaanka ee Maamulka Galmudug.
Wasiirka Amniga ee Maamulka Galmudug Cusmaan Nuur ayaa sheegay in Maleeshiyaadka hubka soo wareejiyay lagu dari doono Ciidamada maamulka Galmudug si ay u hantaan ammaanka Degaanada Galmudug.
Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo xaflada ka hadlay ayaa sheegay hub wareejinta muddo dheer laga soo shaqeynayay wuxuuna tilmaamay in maanta lagu guuleystay hubkaasi lagu wareejiyo Maamulka Galmudug.
Goobjooge.com