Friday, June 27, 2025

Beesha Caalamka iyo ururrada Bulshada oo Baarlamaanka uga digay tallaabo khilaafsan Dastuurka

Wakiilada Beesha Caalamka iyo ururrada Bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa uga digay Baarlamaanka Federaalka ee waqtigiisu dhammaaday inuu ku dhaqaaqo Muddo kordhin sharci darro ah.

Xiriir dhex maray Wakiilka Q/Midoobay ee Somalia, safiirka Maraeykanka iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa lagu gaarsiiyey farriin ka timid Beesha Caalamka oo ku saabsan in Baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday uu qaado tallaabo kale oo qalalaase abuuri karta sida muddo kordhin xukuumadda iyo Madaxweynaha.

Dhinaca kale Bayaan xalay kasoo baxay Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa looga digay Baarlamaanka inuu qaado tallaabo sii kala fogeyn karta madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada oo ka hor imaaneysa Dastuurka iyo sharciga.

Kulanka Baarlamaanka labada aqal ee ay ka horjeedaan Guddoonka Aqalka Sare iyo senatooro badan ayaan la shaacin waxa uu uga hadli doono Madaxweyne Farmaajo, waxaase si weyn loo filayaa inuu waqti kordhin ka codsado, isla maantana loo coddeeyo, iyadoo halis fara badan ku wareegsan tahay xaaladda kala guurka ah ee dalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON