Wakiilada Beesha caalamka ayaa culeyskii ugu weynaa saaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), iyagoo ku cadaadinaya inuu ka qeyb galo shirka Wadatashiga Doorashooyinka ee Muqdisho lagu qabanayo.
Wafdi ka socda Beesha caalamka ayaa Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam kulan kula yeeshay maanta magaalada Kismaayo, iyadoo wafdiga uu hoggaaminayey Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya Mr. James Swan, waxaana la socday Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martínez iyo Safiirka Talyaaniga oo shalay tegay magaalada Garowe.
Kulan adag ayaa la sheegay inuu dhex maray Axmed Madoobe iyo wakiilada Beesha caalamka, waxaana shirka si muuqaal ah uga qeyb galay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto iyo Wakiilka Midowga Afrika Danjire Francisco Caetano Madeira; waxaana looga dooday arimaha khilaafka Doorashooyinka iyo sidii shirka Muqdisho loogu gaari lahaa fulinta heshiiska Doorashada.
Axmed Madoobe ayaa la sheegay inuu wakiilada Beesha Caalamka la wadaagay shuruudaha ay shirka uga qeybgeli karaan oo ay ugu weyn tahay inuu ka dhaco Xalane iyo in Beesha Caalamka ay damaanadqaado, qeybna ka noqoto shirka.
Beesha Caalamka ayaa ka horjeeda shuruudaha Axmed Madoobe iyo Siciid Deni oo ay u arkaan inay xaaladda uga sii darayaan, waxayna soo jeediyeen inay tanaasulaan labada dhinac oo heshiiska Doorashada la saxiixo marka hore, fulintana ay gacan ka geysan doonto Beesha Caalamka.
