Sunday, July 13, 2025

Beesha Caalamka oo Dalbatay in si degdega loo qabto Doorashada Madaxweynaha

Beesha Caalamka ayaa War-saxaafadeed kasoo baxay soo dhoweysay Doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, iyadoo ku baaqday in si degdega loo doorto Madaxweynaha cusub.

Hoos ka Akhriso Qoraalka

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay soo dhoweynayaan doorashooyinkii guusha kusoo idlaaday ee loogu tartamayey jagooyinka guddoonka Aqalka Sare ee 26kii Abriil 2022 iyo Golaha Shacabka ee 27-28 Abriil 2022.

Waxaan u hambalyeynaynaa guddoomiyeyaasha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada dhowaan la doortay ee la wareegaya waajibaadkooda muhiimka ah xilligan xasaasiga ah ee Soomaaliya ay ku jirto.

Kadib dib-u-dhacyo iyo caqabado daba-dheeraaday oo ku yimid soo xulista xubnaha baarlamaanka ayaa waxaa guul weyn ah doorashada guddoonka baarlamaanka. Waxaan u mahad-celinaynaa dhammaan dadkii Soomaaliyeed ee gacanta ka geystay dhamaystirka doorashada baarlamaanka

Waxaan boorinaynaa in doorashada Madaxweynaha hadda lagusoo dhameeyo si dhakhso leh, nabdoon, oo lagu kalsoonaan karo, si madaxda Soomaaliya ee lasoo doortay ay wax uga qabtaan arrimaha mudnaanta u leh qaranka iyadoo la eegayo ay danta dhammaan muwaadiniinteed.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Canada, Shiinaha, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Qadar, Ruushka, Sacuudiga, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON