War cusub oo kasoo baxay caawa Wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaan ‘Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya’ ayaa farriin cusub loogu diray madaxda Soomaalida ee ka qeyb galeysa shirka Dhuusmaareeb.
Qoraal kooban ayey Beesha Caalamka uga dalbadeen madaxda soomaalida inay sii wadaan wada-xaajoodka inta laga gaarayo is-afgarad si loo hirgeliyo heshiiskii Doorashada, waxayna soo dhoweeyaan inay wadahadleen dhinacyada Soomaalida.
“Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan wada hadalada socda ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Dhuusamareeb ka socda, waxa ayna ku boorrinayaan kaqeybgalayaasha in ay sii wadaan wada xaajoodka: hadda waxaa la joogaa xilligii la gaari lahaa is-afgarad si loo hirgeliyo heshiiskii 17-kii Sebtember ee doorashooyinka..” ayaa lagu yiri qoraaka Beesha Caalamka.
Arrintan ayaa imaaneysa, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Madaxweyne Farmaao uu doonayo in dib ugu laabto magaalada Muqdisho.
