Dalalka Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay soo jeedinta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee shalay 14-kii bishan uu ku dhawaaqay in la qabanayo shir dhexmara madaxda dowladda federaalka, madaxweynayaasha Shanta Dowlad Goboleed iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyagoo ku sheegay talaabo muhiim ah oo xoojineysa iskaashiga dhinacyada.
Qoraalkan beesha caalamka ayaa loogu baaqay hogaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay ka faa’iideystaan fursaddan, isla markaana ay ka heshiiyaan arrimaha ay ka mid yihiin Doorasho ka dhacda dalka oo dhan.
“Waxaan soo dhoweynaynaa dadaallada joogtada ah ee loo galay wadahadalka, dib-u-heshiisiinta iyo isu-tanaasulka ka dhaxeeya madaxda siyaasadeed. Waxaan sidoo kale soo dhaweyneynaa baadi-goobka loogu jiro in xal laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed iyadoo aanay rabshado dhicin, lana adeegsanayo garashada xaaladda jirta iyo u-wada-dhamaansho, oo ay ku jirto Jubaland.” ayaa lagu yiri qoraalka beesha caalamka.

Warkan ayaa ka danbeeyay qoraalkii Madaxweynaha Soomaaliya uu shalay soo saaray oo ku saabsanaa casuumaad loo diray madaxda dowlad goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir inay ka qeyb galaan shirka amniga qaranka.