Friday, July 18, 2025

Beesha Caalamka oo Shuruud ku xirtay bixinta dhaqaalihii Doorashada iyo Guddiga Mushaar la’aan soo wajahday

Beesha caalamka ayaa laba shardi oo adag ku xirtay inay dhaqaale kale oo ay ku bixiso Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya ka socda.

Afhayeenka Guddiga Doorashada Heer Federaal Axmed Aadan Dagaal (Safiina) ayaa sheegay in qeybtii 7 Milyan oo Dollar ka mid ahayd oo ay hore u bixiyeen beesha calaamka loo adeegsaday mushaarka Guddiga oo ka kooban 120 xubnood muddo 4 bilood ah iyo Hoteelada ay ku jiraan, haddana aysan xubnaha Guddiga aysan mushaar qaadan ilaa bishii Oktobar 2021.

“Miisaaniyadda Doorashda waxay ahayd 26 Milyan oo Dollar wax ka badan, Beesha caalamka 7 Milyan ayey ku deeqday, qeyb waxay ka imaaneysaa Lacagaha laga qaado musharixiinta iyo Qeybta xukuumadda ka imaaneysa oo loo adeegsado dhinaca Amniga..” ayuu yiri Axmed Safiina.

Afhayeenka Guddiga FEIT Wuxuu sheegay in Beesha Caalamka ay bixintaqeyb kale oo ka mida lacagta Doorashada ku xireen shuruudo ay ka mid yihiin: In la soo saaro xildhibaannada Golaha shacabka 2/3 (Laba meelood sadddex – 184 xildhibaan) iyo la xaqiijiyo Qoondada haweenka 30%, arrimahaas oo aan weli la gaarin.

Arrimaha kale ee Beesha calaamka ka dooneyso Guddiga Doorashada ayaa ah inay maamulka lacagta mariyaan hab xisaabeed Banki oo daah furan, si loo ogaado habka iyo cidda ay ku baxday lacagta.

Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay soo baxeen warar sheegaya in muddo 10 maalmood ah loo qabtay xubnaha Guddiga inay uga baxaan xarun ay ka deganaayeen gudaha Xalane, dhaqaalo darro awgeed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON