Beesha Caalamka ayaa si adag u diiday ugana hor timid go’aanadii shalay kasoo baxay Madasha Qaran ee lagu kordhiyay tirada Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Qoraal ay soo saareen wakiilada Beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya ayaa si cad loogu sheegay in go’aanka Madasha Qaran ku kordhiyeen tirada Aqalka sare uu yahay mid ka horjeeda Dastuurka KMG ah, go;aanka noocaas ahna uu qaadan karo oo kaliya Baarlamaanka cusub kadib doorashada madaxda sare ee dalka.
Beesha Caalamka waxay kaloo si cad uga hor timid in xildhibaanno ku soo baxay laaluush, awood sheegasho, tacadiyo iyo qalalaase ay ka mid noqdaan Baarlamaanka cusub, waxayna madaxda Madasha Qaran ku eedeysay inaysan daacad ka hayn hufnaanta nidaamka doorashada oo ay hore u balanqaadeen.
Qoraalka ka soo baxay beesha caalamka ayaa ka dalbatay Baarlamaanka cusub inuu waqti u sameeyo doorashada Madaxda dalka oo lagu qabto inta ka horeysa 19-ka Janaayo oo Golaha ammaanka ka shiri doono arrimaha Soomaaliya.
Wakiilada Beesha caalamka iyo madaxda Madasha Qaran ayaa u muuqda inay isku dhacsan yihiin, inkastoo qoddobo badan oo Beesha caalamka ay dooneysay laga gudbay xilligan.
Goobjooge.com