Monday, July 14, 2025

Beesha Caalamka oo War Cusub kasoo saaray Shirka Muqdisho (Rooble oo laga rabo inuu…)

Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay u arkaan shir-madaxeedka soo socda ee Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka dhacaya magaalada Muqdisho in uu yahay fursad muhiim ah oo ay waajib tahay in aan la lumin si loo horumariyo nabadda iyo amniga Soomaaliya.

War-saxaafadeedka ayaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ku bogaadiyey qabashada shirkan, iyagoo sheegay inay rajeynaynaan kana rabaan Ra’iisal wasaaraha inuu sii hoggaamin doono geedi-socodka Doorashada, oo ay ku jirto amniga Doorashada.

“Waxaan soo dhoweyneynaa ballanqaadka dhammaan madaxda DGXDF ee ka-qaybgalka shir-madaxeedka si shuruud la’aan ah” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada inay sameeyaan tanaasul wax-ku-ool ah si heshiis dhakhso leh loo gaaro, dalkuna uu si dhakhso leh u qaban-qaabiyo doorashooyin ku saleysan Heshiiskii 17kii Sebtember.”

War-saxaafadeedka beesha caalamka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: AMISOM, Belgium, Canada, Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Holand, Norway, Poland, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Uganda, UK, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON