Friday, June 27, 2025

Beesha Caalamka oo War ka soo saartay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare & Farriin culus

Beesha caalamka ayaa war kasoo saartay doorashada guddoonka Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Q/Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Itoobiya, Italy, Sweden, UK iyo Mareykanka ayaa loogu hambalyeeyay doorashada ay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka doorteen guddoonkooda.

The United Nations, African Union, European Union, Inter-Governmental Authority on Development, Ethiopia, Italy, Sweden, the United Kingdom and the United States congratulate members of Somalia’s tenth parliament for completing the elections of their respective chambers’ speakers and deputy speakers.

The international partners

Beesha caalamka ayaa sheegtay in tallaabdan ay soo gabagabeneyso wejigii ugu muhiimsamaa geedi socodka doorashada. Waxayna ku baaqeen in degdeg loo sameeyo guddi wadajir ah oo ka shaqeeya doorashada dmadaxweynaha Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan.

Farriinta Qoraalka beesha caalamka xambaaarsanaa ayaa ahayd in labad gole ay xiriir wada shaqeyn oo wanaagsan la yeeshaan golaha fulinta si Soomaaliya looga gudbiyo xaaladda adag ee Soomaaliya ku jiro.

“Xilligan oo Soomaaliya ay wajaheyso xaalado adag oo isugu jira abaaro, shaqo la’aan iyo nabadgelyo darro, xildhibaanadu waxay heystaan fursad ay ku muujin karaan hogaan suuban oo ka jawaabi kara baahida asaasiga ah ee shacabka..” ayuu yiri wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON