Monday, July 14, 2025

Beesha Caalamka oo War-kasoo saartay Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug [Ra’iisal Wasaaraha oo lagu xusay..]

Wakiilada Beesha Caalamka ee arrimaha Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed wadajir ah kasoo saaray Xaaladda Galmudug iyo Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug ee ka furmay ee magaalada Dhuusamareeb.

Beesha Caalamka ayaa soo dhoweysay furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug, waxayna hoosta ka xariiqeen muhiimada dib u heshiisiin loo dhan yahay u leedahay qabashada doorashada maamulka Galmudug ee la filayo inay dhowaan dhacdo.

“Waxaan soo dhoweyneynaa sida ay dhammaan dhinacyada ay quseyso uga go’an tahay dib u heshiisiin loo dhan yahay, waxaana bogaadineynaa dadaalka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya iyo sidoo kale maamulka Galmudug, odayaasha dhaqanka ee suuragelisay in dadkaas oo dhan la isu keeno….” ayaa lagu yiri qoraalka Beesha Caalamka, waxay kaloo soo dhoweeyeen in ka qeyb galayaashii shirka Hobyo ay ku biireen shirka Dib u heshiisiinta Dhuusamareeb.

Waxay beesha Caalamka u rajeysayay shirka Dhuusamareeb inuu noqdo mira-dhal dhidibada loogu aaso Galmudug mideysan oo xasiloon. Waxaa War-saxaafadeedka soo saaray Midowga Afrika. AMISOM, Denmark, Ethiopia, European Union (EU), Germany, IGAD, Italy, Sweden, United Kingdom, UNSOM iyo Mareykanka.

HALKAN KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON