Tuesday, June 24, 2025

Beesha Caalamka oo War kasoo saartay Xaaladda Gobolka Gedo, kuna baaqday wadahadal dhex mara…

Dalalka Beesha caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa War caawa kasoo saaray xaaladda Gobolka Gedo, waxayna sheegeen inay ka walaacsan yihiin colaadda ka taagan gobolkaasi iyadoo baaq u diray dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.


War-saxaafadeed Beesha caalamka ayaa lagu sheegay inay aad uga walaacsan yihiin ciidamada lagu uririnayo gobolka Gedo ee Jubaland, isku dhacyadii 2-dii bisha Maarso ka dhacay agagaarka Beled-Xaawo kuwaas oo sababay barakaca dad rayid ah iyo khasaarooyin.

Waxay beesha caalamka war saxaafadeedkeeda ku sheegtay inay degdeg ugu baaqayaan dhammaan dhinacyada ishaya inay is xakameeyaan, ay yareeyaan ciidamada amniga ee ku sugan Gedo, ayna ka fogaadaan fal kasta oo kicin kara rabshado.

Waxay sheegtay beesha caalamka inay soo dhoweynayaan xiriirkii 5tii Maarso dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed ‘Farmaajo’ iyo Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxayna sheegeen inay ku dhiirigelineynaa madaxda inay sii wadaan daminta xiisadaha, iskaashiga amniga xuduudaha, iyo in la sameeyo guddi wadajir ah oo wax ka qabta arrimaha diblomaasiyadda iyo ganacsiga sida ay madaxduba iskugu af-garteen.

Waxay beesha caalamku ku baaqday iskaashi iyo wada-hadal dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo madaxda Jubaland si loo sii ambaqaado dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab. Waxay ku baaqayaan in shakhsi kasta ee lagu eedeeyay dembiyo ama xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka la soo xiro oo lala tiigsado sharciga iyadoo la raacayo sarreynta sharciga.

Beesha caalamku waxay sheegtay in iskaashi buuxa iyo wadahadal dhexmara Dawladda Federaalka iyo dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada ay yihiin lagama maarmaan loona baahanyahay inay ku dhacaan si dhakhso leh, si loola dagaallamo al-Shabaab, loo xalliyo arrimaha la isku hayo, loogana guul gaaro arrimaha kale, sida lagu sheegay war saxaafadeedkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON