Tuesday, July 1, 2025

Beesha Caalamka oo Xasan Sheekh ka sugeysa Arrimaha uu mudnaanta siin doono

 Saaxiibada Beesha caalamka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu hambalyeeyay doorashada loo doortay Madaxweynaha 10-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoral ay caawa soo saareen ayay Madaxweynaha xilka ka sii degaya Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ uga mahadcelineynaa sida uu u fuliyay dhaqanka siyaasadeed ee Soomaaliya, marki uu dhaqso ah u aqbalay natiijada doorashada, una ballanqaaday inuu garab taageeri doono madaxweynaha dhaxli doona.

“Waxaan u mahadcelineynaa hoggaanka Baarlamaanka Soomaaliya iyo hawlwadeennada xirfadleyda ah, xubnaha Guddiga Wadajirka ah ee qabanqaabada doorashada Madaxweynaha, iyo Ciidanka Amniga Soomaaliyeed iyo Howlgalka Kalaguurka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya sida ay u hirgeliyeen qabsoomidda doorasho Madaxweyne oo habsami leh, nabdoon oo ammaan ah” ayaa lagu yiri qoraalka Besha caalamka.

Beesha caalamka ayaa madaxweynaha la doortay u balanqaaday taageero, waxayna caddeeyeen inay ka sugayaa arrimaha uu mudnaata siin doono.

“Annaga Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya waxaan weli ku taaganahay ballanqaadkeenna aan u hayno Soomaaliya. Waxaan rajeyneynaa inaan fahamno arrimaha hortabinta u leh Madaxweynaha cusub si aan uga wada shaqeyno horumarinta nabad, barwaaqo iyo dowladnimo suuban oo ka hanaqaada Soomaaliya” ayaa ka mid ahaa war-saxaafadeedka wadajirka ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON