Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in beesha uu ka soo jeedo sarkaalkii shalay lagu dilay magaalada Muqdisho ay diiday in la aaso.
Beesha ayaa ka dalbatay dowladda Soomaaliya tallaabo cad laga qaado askartii ka dambeysay dilka sarkaalka Ciise Xasan Carraale (Jiijiile) iyo ilaaladii la socotay, iyagoo diiday waanwaan arrintaasi laga galo.
Waxgarad iyo siyaasiyiin Beesha sarkaalkan kasoo jeedo oo sidoo kale ay isku beel yihiin Ra’iisal wasaaraha ayaa la kulmay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyagoo dalabkooda hordhigay.
Maanta ayaa bannaanbaxay beeshan soo abaabushay uu ka dhacay Wadadda Maka Almukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa Hoteelada Weheliye iyo Dayax, waxaana lagu xiray jidkaasi in muddo ah.
Wadahadal iyo dadaal lagu doonayo in lagu xaliyo shaqaaqada kadhacay agagaarka madaxtooyada ayaa socda, iyadoo ciidamada labada dhinac ee falkan ku lug yeeshay ay u muuqdaan in qaab beeleed loo bedelay.