Friday, June 27, 2025

Beesha leh Kursi uu Madaxweynaha K/Galbeed siiyey xildhibaanka ku fadhiya oo Go’aan Culus soo saartay

Odayaasha iyo Waxgaradka Beesha Qoomaal ayaa ka hor yimid in kursiga Beeshaasi ee Golaha Shacabka si gaara loo siiyo xildhibaan muddo 20 sano ah ku fadhiyey oo lagu magacaabo Maxamed Mursal Boorow.

Odayaasha Beeshan oo shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa si cad u sheegay inuusan kursigu lahayn mid dhaxaltooyo ah ama qof gaara leeyahay, balse uu leeyahay Kursi Qabiil dhan ku leedahay, kaliyana lagu heli karo tartan, waxayna caddeeyeen in haddii uu dhaawacmay xildhibaanka inay u dhinteen 27 qof oo isaga dooratay oo aanu xitaa u tacdiyadeyn.

Odayaasha ayaa soo bandhigay heshiis tanaasul ah oo tartankii Baarlamaankii 10-aad uu kursigan uga tanaasulay musharax kale Maxamed Ibraahim Cali oo la tartamayey Maxamed Mursal Boorow, waxayna caddeeyeen inuu mar kale lahayn inuu kusoo laabto kursigan.

Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa dhowaan sheegay in xildhibaan Maxamed Mursal Boorow kursigiisa aan loo dhowaan, maadama uu u dhaawacmay, isla markaana uu da’ yahay, loona daayo kursigaasi. (Akhriso Warkan)

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON