Odayaasha Beesha Xaaji Saleebaan ee H/Gidir ayaa caddeysay inay qeyb ka ahayn shirka Dib u heshiisiinta Dhuusamareeb ee Beelaha Galmudug, isla markaana aanay cid metesha ka qeyb galeynin shirkaasi.
Shir jraa’id oo ay magaalada Cadaado ku qabteen odayaasha beeshan ayaa sheegay inaysan qeyb ka ahayn, kana qeyb galeynin shirka Dib u heshiisiinta magaalada Dhuusamareen inta laga xalinayo tabashada ay qabto beeshaasi oo marar badan ay caddeeyaan, waxayna intaas ku dareen in ka maqnaanshahooda shirka aysan ahayn colaad kala dhaxeysa beesha gogosha dhigtay.
Warkan kasoo yeeray magaalada Caddaado ayaa ka danbeeyay kadib markii ay dhowaan gaareen magaalada Dhuusamareeb ergo ka socota beesha Saleebaan oo ka tegay magaalada Muqdisho, iyagoo wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Somalia uu shaaciyey in dhammaan ergooyinka beelaha Galmudug ay xaadir ku yihiin magaalada Dhuusamareeb.