Monday, July 14, 2025

Beeshii diidaneyd Shirka Dib u heshiisiinta Galmudug oo ku biirtay, laguna soo dhoweeyay Dhuusamareeb [Sawirro]

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb gaaray ergada beesha Saleebaan H/Gidir oo hore u qaadacay shirkaasi, iyagoo ku biiray shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo dhowaan ka furmaya magaaladaasi.

Ergada reer Cadaado ku meteli doona shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug ayaa laga qaaday magaalada Muqdisho, waaana Garoonka Diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb kusoo dhoweeyay xubnaha Guddiga dib u heshiisiinta Galmudug iyo odayaasha magaalada Dhuusamareeb.

Tegista magaalada Dhuusamareeb Beesha Cadaado ayaa shirka ka dhigeysa in dhammaan beelaha Galmudug ay shirkaasi ka qeyb galayaan, kadib is mari waa’ muddo socday oo u dhaxeeyay beelahaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON