Tuesday, June 24, 2025

Beeshii ugu horeysay oo Qaadacday Xildhibaannadii ay Ahlu Suna magacaabeen iyo Digniin culus oo loo diray…

Beesha Xeraale ayaa ka hor timid xildhibaanadii la siiyey kooxda Ahlu suna ee ay dhowaan soo magacawday, iyagoo ka biyo diiday in xubno kasoo jeeda beeshaasi ay soo magacaabaan kooxda Ahlu suna, kana mid noqdaan 20-ka xildhibaan ee ka siiyey.

Kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka, Odayaasha iyo mas’uuliyiinta Beesha Dir ee degaanka Xeraale uga mida maamulkii Galmudug ayaa lagu caddeeyay inay beeshaasi ka horjeedo xildhibaanno ay leedahay inay soo magacaabaan wax ay ugu yeereen afarta Isbaariiste ee Sufo, ayna ka xigaan dagaal, sida ay hadalka u dhigeen.

Guddoomiyaha degaanka Xeraale Bashiir Daahir Yuusuf ayaa kulanka ka sheegay in kuwa la baxay Ahlu suna ay ka aqbalaan isbaarada ay dhigatee, taasoo uu sheegay haddii laga yeelo inay mar kale dareemi doontaan caqabadda ay dowladnimada ku hayaan; wuxuuna ugu yeeray Ahlu sunay afar isbaariiste.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Galmudug Sheekh Mursal C/raxmaan ayaa si weyn u eedeeyay madaxda Ahlu Suna, isagoo sheegay inaysan jirin Ahlu suno sax ah oo ah kasoo hareen afar isbaariisteyaal ah.

Ahlu suna ayaa magacaabatay 20 xildhibaan oo laga siiyey Baarlamaanka Galmudug, kuwaasoo 3 ka mida ay kasoo jeedaan Beesha Xeraale degta ee qaadacday inay Ahlu suna soo xusho xildhibaannadooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON