Sunday, March 26, 2023

Booliska oo Degaan ka mida Muqdisho ku qabtay Tiradii ugu badneyd oo Ciyaal-Weero ah

Ciidamada Booliska ayaa caawa qabtay, soona xir-xiray tiro badan oo ciyaal weero ah, kuwaas oo amni-darro ka waday degaanka Ceelasha Biyaha.

Taliska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ciidanka Booliska degaanka Ceelasha Biyaha uu sameeyay Howgal Amni xaqiijin ah oo keenay inay gacanta kusoo dhigaan tiradii ugu badneyd oo kamid ah Ciyaal-weerada.

Ciyaalkan oo tobanaan ayaa watay Tooreeyo, Baangado iyo waxyaabo kale, iyagoo ku howlanaa dhibaateynta Shacabka Soomaaliyeed, waxaana laga soo qabtay waaxda Jabad-Geelle ee degaanka Ceelasha Biyaha, laguna xiray Saldhigga degaankaasi.

Ad

Booliska ayaa dib u bilaabay howlgallada ka dhanka ah Ciyaal-weerada iyo Burcadda kadib qeylo dhaan ka timid shacabka oo falal dil ah ay ka dhaceen xaafado ka mida caasimadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,959FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,958FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!