Ciidamada Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay ninkii ka danbeeyay dilkii laga naxay ee shalay ka dhacay Masjid ku yaalla Degaanka Garas-baalley ee magaalada Muqdisho.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in saakay aroornimadii 6:00AM Subaxnimo gacanta lagu soo dhigay Ninkan eedeysanaha ah xilli uu ku sugnaa degmada Wardhiigley oo uu baxsad ku tegay.
Boolisku ayaa sheegay in la baarayo sababta dilka dhacay iyo waxa keenay inuu dhaco falka dilka ah oo si weyn looga hadal hayey magaalada.
Eedeysanaha dilka geystay ayaa lagu magacaabaa Macallin Mukhtaar, wuxuuna Masjid yar oo ku yaalla degaanka Garasbaaley ku dilay imaam Masjid oo lagu magacaabi jiray Macalin Ibraahim Cusmaan, isagoo dhaawacay Wiil kale.
Sababta dilka ayey dadka degaanka ku sheegeen inuu ninkan oo Mu’adin ka ahaa Masjidka uu k carooday muuqaal laga duubay, isagoo jiifa.
Qoraalka ciidanka Booliska
Ciidanka Boliiska Saldhigga Degmada Wartanabadda ayaa saaka gacanta kusoo dhigeen Eedaysane gacan ku dhiigle ah oo lagu Eedeeyay in uu dil ugaystay imaamka Masaajid ku yaala Deegaanka Garasbaaleey, halka Sidookalana uu dhaawacay Mu’adinkii Masaajidka taariikh markay ahayd 29-Kii Bishaaan Maarso Abaaro 7: 10AM.
Eedaysanaha ayaa dilka u adeegsaday Baangad, waxaana la sheegay in uu tabliiq ahaay Masjidkana uu mudo wax ka joogay. Si loo xaqiijiyo sababta ku kaliftay dilka, cadaaladdana loo waafajiyo eedaysana ayaa waxaa ku socota baaris.
