Monday, June 23, 2025

Booliska oo Muqdisho kusoo bandhigay Rag falal Burcadnimo ah geystay oo la qabtay (Daawo)

Booliska magaalada Muqdisho ayaa xarunta CID-da kusoo bandhigay Burcad dhac kala duwan ka geystay xarumo gacansi, Mooto iyo dad caadi ah.

Ragga Burcadda ah ee lasoo bandhigay waxaa ka mida nin ka mid ahaa laba burcad oo dhac u geysatay Carwo ku taalla Isgoyska Soope ee magaalada Muqdisho, iyadoo muuqaal ay ka duubtay Kaamerada qarsoon ee CCTV laga daawaday baraha bulshada, iyagoo falka dhaca ah ku dhex jira.

Waxaa kaloo Burcadda ka mida laba dabley ahaa oo dhac ka geystay isgoyska Al-baraka, waxaana labada ragga ah ee falkaasi geystay ay ahaayeen kuwo aan u muuqan inay burcad yihiin. Waxay adeegsanayeen Gaari kuwa raaxada ah, iyagoo dadkii ay dhaceen ay ahaayeen dumar kaliya.

Ad

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii ugu danbeeyay waxaa ka dilaacday burcad hubeysan oo dhac baahsan ka wada qeybaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska Sadiiq ayaa sheegay in ciidamada Amniga ay wadaan howlgal ballaaran oo ka dhan burcadda khakhalka ku heysa amniga.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON