Booliska magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in gacanta ay kusoo dhigeen nin ku eedeysan inuu garaac ku dilay wiil shan sano jir ah oo ay dhashay haweeney uu qabay.
Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Saadiq Aaden Cali (Doodishe) ayaa sheegay in ninka oo lagu magacaabo Xasan Kaafi Cabdi Jaamac oo 25 sano jir ahaa, ay gacanta lagu soo dhigay Dilka wiilka yar uu jirdilay ilaa markii danbe neefta ku dhegtay. sidaasina uu ku dhintay.
Baaritaanka kiiskan dilka wiilka yar ee Muscab Maxamed Xasanayaa heer gabagabo ah maraya. “Waxaa wiilkaas dilay adeerkii hooyadii qabay. Waxaa dhacday in si xun uu u garaacay sida aan ka aragnay meydka wiilka yar oo saqiir ahaa. Marka ulo badan iyo jirdil noocaas ah ayaa ku yaallay sidaas ayuu wiilka ku dhintay. Wuxuu aad uga carooday wax yar oo uu wiilka sameeyay” ayuu yiri Afhayeenka Booliska
Dhinaca kale taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliya, Jen. Zakiya Xuseen Axmed, ayaa hore baraha bulshada u dhigtay qoraal koovan oo ay ku sheegtay inay gacanta ku soo dhigeen Ninka lagu eedeeyey inuu diley ilmaha yar. Waxayna deriska ku eedeysay inay maqlayeen oohinta iyo dhawaqa kasoo baxaya wiilka, balse aysan waxba ka qaban.
Booliska ayaa sidoo kale maanta soo bandhigay 4 Nin oo Burcad ah oo Taleefannada ka dhaca iyadoo adeegsanaya Qoryo iyo Bistoolado macmal ah. Waxay kaloo Boolisku soo bandhigeen Taleefanno iyo agabyo kale oo ay dad ka dhaceen.
Kooxdan ayaa ahayd mid isku xiran oo dadka shacabka ah ku dhici jiray degmada Karaan iyo degmooyinka ku dhow ee gobolka Banaadir.
