Taliska ciidamada Booliska ayaa shaaciyey in tallaabo laga qaaday askartii ku sugneyd Barta Isgoyska Howlwadaag oo maanta rasaas ku furay dad shacab ah oo dilay Mooto Bajaajle iyo dad kale.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Col. Macalin Mahdi ayaa sheegay in askar loo soo xiray dilkii saakay ee wiilkii Bajaaj-laha ahaa ee Maxame C/salaan, isla markaana la xiray dhammaan askartii Barta ciidan ku sugneyd, sharcigana la hor keeni doono.
Taliyaha ayaa sheegay in uu la kulmay waalidka wiilka Bajaajlaha ahaa ee la dilay, una tacsiyadeeyay, isagoo dhinaca kale digniin u diray Bajaajleyda iyo dadka dhigaya bannaanbaxyada iyo rabshadaha ee xiraya wadooyinka.
Dilka Marxuum Maxamed Csalaan Cali ayaa saaka dhaliyey bannaabax rabshado wata oo geystay qasaare kala duwan, waxaana ciidamada falka geystay lagu sheegay inay ahaayeen kuwa nabadsugidda ee NISA.
