Taliska Ciidamada Booliska ayaa fahfaahin ka bixiyey kiisas dil ah oo ay geysteen ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo xalay iyo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.
Kiiska Xalay Igoyska Dabka ka dhacay ayaa Taliska Booliska shaaciyey in gacanta lagu dhisay Gacan-ku-dhiiglayaasha iyo gaarigii falka lagu geystay, ayna hatay in sharcigala marsiiyo oo cadaaladda la hor geeyo.
War kasoo baday Taliska Booliska ayaa lagu yiri “Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Waxaa uu bulshada Soomaaliyeed la wadaagayaa in baaritaan ka dib ay maanta ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan eedaysenayaashii xalay rasaasta ku dilay labada marxuum ee kala ah Sakariye Maxamuud Xuseen iyo Sowda Maxamuud Xuseen”
Askarta eedeysanayaasha ah kiiska Sowa iyo Sakariye loo qabtay ayaa kala ah Cabdiwaayeel Macallin Aadan iyo Dayax Nuur Cabdi Aadan, kuwaas oo ku jira gacanta Dowladda, iyada oo la horgeyn doono maxkamadda awoodda u leh.
