Tuesday, July 1, 2025

Booliska oo War kasoo saaray Dagaal ka dhacay Muqdisho iyo dhaawaca Taliyihii Haramcad

Afhayeenka ciidamada Booliska ayaa ka hadlay dagaal saaka ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar gaan agagaarka Isgoyska Banaadir, Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Booliska C/fataax Aadan Xasan ayaa sheegay inay ciidamada booliska kusoo baxeen maleeshiyo beeleed isku heysta Guri ku yaalla halkaasi oo dagaalamay, kadibna rasaas lagu furay, halkaasina ay la wareegeen ciidamada Booliska.

Dhulka la isku heysto ayuu sheegay inay arrintiisa ku jirto Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayna gacanta ku sii heyn doonaan ciidamada dowladda si xaaladda loo dejiyo

Wuxuu afhayeenka xaqijiyey inuu dhaawac soo gaaray taliyaha Ciidanka Haramcad Cabdixamiid Cabdullaahi Fanax oo ka mid ahaa ciidmaada goobta gaaray saaka.

Qasaare u badana dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka saaka ka dhacay magaalada Muqdisho oo saameyn ku yeeshay isu socodka jidka ugu weny caasimadda ee ugu mashquulka badań.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON