Sunday, July 13, 2025

Booliska oo weerar kusoo qabtay maleeshiyo ku dagaalamay Ex. Kontrol Afgoye, soona bandhigay Hubkooda

Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa soo bandhigay maleeshiyo iyo hubkii ay wateen oo la sheegay inay saaka ku dagaalameen Ex. Kontrol Afgooye, halkaasoo ay ku dhinteen 4 qof.

Maleeshiyadan ayaa saldhigoodu ahaa degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, waxaana ka mida xubno ka tirsan maamulka degmada oo lacago baad ah ka qaata gaadiidka ka baxa Busteejada Ex. Kontrol Afgooye.

Ciidamada Booliska ayaa galabta weerar ku qaaday kooxdan, waxaana lagu soo qabtay 10 maleeshiyo qof , 8 qori AK47 iyo Qori PKM, waxaana lagu xiray xarunta CID-da, halkaasoo baaritaan lagu hayo kiiskooda.

Afhayeenka Booliska G/Banaadir Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in ciidanka Boolisku ay 5:00 pm galabnimo weerarren, gacantana kusoo dhigeen koox maleeshiyo burcad ah oo lagu heysto inay falal dhac iyo dil ka geysteen degmada Deyniile.

Wuxuu sheegay inay dhexdooda ka tafatay maleeshiyadii oo iyaga isku is-rasaaseyay Ex. Kontrol Afgooye, halkaasina ay ku dhinteen dad rayid ah oo tiradoodu gaareyso afar qof iyo saddex qof oo dhaawac ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON