Sunday, July 6, 2025

Guddiga Xalinta Khilaafka Doorashada oo 3000 Dollar ku xiray Musharixiinta qaba Cabashada Doorashada

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban 2020/2021 ayaa soo saaray Habraaca Hirgelinta Heshiiska Siyaasadeed ee Hagaya Doorashada dadban 2020/2021 ee heer Federal oo qexaya shuruudaha xalinta khilaafka ka dhasha doorashada.

Guddigan oo awood loo siiyey eegista iyo go’aaminta muranada lagu diido go’aanada ay gaareen Guddiyada heer federal iyo heer Dowlad gobaleed ee ku aadan codbixiyaasha iyo murashaxiinta u tartamaya mid ka mid ah labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa soo saaray shuruudaha Cabashooyinka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya:

Waxaa cabasho u soo gudbinsan kara Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban:

1- Murashax soo buuxiyay Shuruudaha Musharaxnimada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku xusan Qodobka 58 aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Sharciyada kale ee Hagaya Doorashada Dadban ee 2020/2021 loona diiwaan galiyay u tartamida Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2- Waxaa kaloo cabasho u soo gudbin kara Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban Xildhibaanada Dawladaha Xubnaha ka ah Dawladda Federaalka Iyo xubnaha Ergada loo xulay in ay u codeeyaan tartamayaasha Aqalka sare ee Somaliland oo ay si toos ah u saamayso xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada.

3- Waa in uu codsi qoraal ah u soo gudbiyaa Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban, soona buuxiyaa foomka diiwaan galinta cabashada xallinta Khilaafaadka Doorashada Aqalka Sare.

4- Waa inuu bixiyaa lacagta diiwaan galinta cabashada oo dhan 3,000 oo dollar (sedex kun oo dollar) kuna soo lifaaqaa galkiisa cabashada waraaqda cadeyneysa in uu ku shubay lacagta xisaabta bangiga loo asteeyay.

Haddaba intaas oo shuruud ah haddii uu soo buuxiyo qofka cabanaya, Guddigu wuxuu qadanaaya go’aan uu ugu garnaqayo cabashadaas muddo 7 malmood gudahood.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON