Sunday, July 13, 2025

Booliska Somaliland oo Albaabada isugu dhuftay xaruntii Telefishanka HornCable ee Hargeysa & Weriyeyaal…

Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay goor dhoweyd xireen xarunta weyn ee Telefishanka HornCable, magaalad Hargeysa.

Ciidamada oo tegay xarunta Telefishanka ayaa ku amray inay howsha joojiyaan, isla markaana xiraan xarunta TV-ga oo ah kan ugu weyn ee ka howl gala Somalia, mana jiraan wax faahfaahin ah oo ay xukuumadda Somaliland ka bixisay sababta loo xitay TV-ga.

Warar kale ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland ay xabsiga u taxaabeen C/qaadir Saleebaan Casayr oo ka tirsanaa weriyeyaasha ka tirsanaa HornCabele TV, iyadoo aan faahfaahin laga bixin sababta loo xiray.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay xiisad siyaasadeed ka jirto magaalada Hargeysa, isla markaana ay isku dhaceen Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Waddani iyo xukuumadda Somaliland, kadib bannaanbax uu ku baaqay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, waxaana xabsiga loo taxaabay xalay xoghayihii iyo afhayeenkii Xisbigaasi.

LA SOCO FAAHFAAHINTA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON