Wednesday, June 25, 2025

Booliska War hordhac ah kasoo saaray Baaris ku socota Gabar lagu dilay Muqdisho

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa soo saaray war hordhac ah oo ku saabsan baaritaan ay bilaabeen kiiska Geerida Marxuum Rumaan Cabduqaadir Maxamuud oo ahayd 14 jir ah, shalayna warar kala duwan laga faafiyey dilkeeda.

Falkan ayaa shalay ka dhacay xaafadda Suuqa Bacaad ee Degmada Yaaqshiid ayaa dhaliyey dood badan markii Baraha bulshada lagufaafiyey warar been ah oo ku saabsan inay is dishay iyadoo muuqaal iska duubeysa, taasoo ay si weyn u beeniyeen ehelkeeda.

Meydka Marxuumad Rumaan Cabduqaadir la geeyay hogaanka dambi baarista CID-da waxaana la baaray, iyadoo sawirro laga qaaday, laguna ogaaday in xabbada ku dhacday ay dhinaca danbe uga timid.

“Shalay oo ay taariikhdu aheyd 19/05/2021 Abaaro 16:58 Galabnimo, waxaa Xarunta Hoggaanka Baarista Dembiyada la keenay meydka Marxuumad Rumaan Cabdulqaadir Maxamuud, Inna faadumo Cabdulqadir Axmed 14jir ahayd, kuna Dhalatay Xamar Degeneyd Degmada Yaaqshiid taasoo ay ku dhacday rasaas Bastooladeed degmada Yaaqshiid gaar ahaan Xaafada Suuq-Bacaad”. ayaa lagu yiri Qoraalka Booliska.

Hoggaanka Baarista Dembiyada ee CID-da ayaagacanta ku haya baarista kiiskan, waxayn sheegeen inay natiijada la wadaagi doonaan Shacaba iyo Qoyskeeda.

Ehelada marxuumadda ayaa si cad u sheegay in gabadhooda rasaas lagu fakiyay, ayna wadahadal la leeyihiin qofkii falkaasi ka danbeeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON