Monday, June 23, 2025

Booqashadii Madaxweynaha Eritrea oo lasoo gabagabeeyay iyo War-murtiyeed laga soo saaray [Daawo]

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki aya ka duulay magaalada Muqdisho, kadib booqasho laba maalmood ah oo uu ku yimid Soomaaliya.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ereteriya Isaias Afwerki oo shirar ku yeeshay xarunta Villa Somalia ayaa ku heshiiyey xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Labada dal iyo xoojinta  arrimaha ganacsiga, maalgashiga iyo xiriirka tooska ah ee labada shacab ee Soomaaliya iyo Ereteriya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki booqashadan taariikhiga ah ee uu ku yimid Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee uu u ajiibay martiqaadkii rasmiga ahaa ee uu u fidiyey.

Ad

Dhinac kale  Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay u fidiyeen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna adkeeyey muhiimadda uu leeyahay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada shacab ee walaalaha ah.

Madaxweyne Isaias ayaa bogaadiyey, soona dhaweyey dadaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu dhisayo, laguna tayeynayo hay’ado amni oo ay Soomaalidu leedahay, kuwaas oo awood u leh in ay dammaanad qaadaan nabadda iyo amniga ay dadka Soomaaliyeed istaahilaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON