Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Ducaalle ayaa maanta dugsiga tababarka Booliska ee Gen. kaahiye tababar ugu soo xiray 600 askari oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Ciidanka ayaa loogu talo galay Sugidda Ammaanka magaaladda Muqdisho, waxaana Munaasabadda tababarka loogu soo xiray ku sugnaa Guddoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir, Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska S/guuto Zakia Axmed, Saraakiil iyo masuuliyiin kale.
Cutubyadii Tababarka loo soo xiray ayaa soo bandhigay dhoolatus ka tarjumaya tababarka ay qaateen oo u socday muddo seddex bilood ah, waxaana wasiirka Amniga u sheegay in alag sugayo inay isbedel ku sameeyaan nabadgelyada caasimadda.
Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar wuxuu sheegay inuu rajeynayo inay ciidamadan wax weyn ka bedelaan xaaladda magaalada Muqdisho oo muddooyinkii danbe ay xaalado amni darro ka jireen.