Wednesday, June 25, 2025

Boqorka Sacuudiga oo Xaflad weyn u sameynaya heshiiskii Itoobiya & Eritrea [Yaa lagu casuumay..?]

Boqorka Sacuudiga ayaa dalkiisa ku casuumay madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea isagoo xaflad caalami ah u sameynaya heshiiskii nabadeed ee labada dal gaareen kadib dagaal  u dhaxeeyay muddo 20 sano ka badan.

Boqorka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis ayaa qabanqaabiyay munaasabada uu isagu qabanaabiyey oo loogu dabaaldegayo heshiisk labada dal ee Geesk Afrika, waxaana xafladda oo Axadda Berri ka dhaceysa magaalada Jeddah lagu casuumay madax kala duwan, iyadoo ay kasoo xaadiri doonaan Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaisas Afwerk.

Madaxda Boqorka Sacuudiga ku casuumay xafladda uu u sameynayo heshiiska Itoobiya iyo Eritrea ayaa waxaa ka mida xoghayaha guud ee Q/Midoobay Antonio Gutters, Guddoomiyaha Midowga Afrika Mussa Faki, hoggaamiyeyaal iyo madax kale.

Sacuudiga ayaa noqonaya dalkii labaad ee u dabaaldega heshiiska Itoobiya iyo Eritrea iyadoo hore ay Imaaradka Carabta dalkeeda ugu casuuntay labada hoggaamiye ee labada dal oo ay guddoonsiiyey bilad sare ee dalkeeda.

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo isbaheysi leh isla markaana dagaal dhiig badan ku daatay ka wada dalka Yeman ayaa ujeedkoodu yahay inay awood buuxda ku yeeshaan Badda Cas iyo marinka Baab Almandab, iyadoo adeegsanaya lacag.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON