Hoggaanka bulshada rayidka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay uga hadlayaan xaaladda ka taagan wadahadalka Madaxda Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka uga socda caasimadda Galmudug.
Hogaamiyeyaasha ururrada Bulshada rayid oo kulamo kala gaara la yeeshay dhammaan madaxda Dowladda iyo madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa Qoraalkooda ku sheegaya caqabadaha heysta shirka yihiin laba Qodob oo kala ah: is-aamin darro iyo tanaasul la’aan.
Waxay bulshada rayidka ugu baaqeen ka qayb galayaasha inay shirka u furaan qaybaha kale ee bulshada.
Waxay ku baaqeeen shirak laga qeyb geliyo Boqorada, Salaadinta, Imaamyada, Ugaasyada, odoyaasha dhaqanka, Culuma’udiinka, waxgaradka, haweenka, dhallinyarada iyo qurbajoogta si ay culeys ku saaran madaxda ku shirsan magaalada Dhuusamareeb oo aan aanay ugu kala tegin shirka kana soo saraan heshiis dan u ah ummada Soomaliyeed.
Hoggaanka Bulshada Rayidka ayaa dhinac kale ugu baaqay madaxda Soomaliyeed ee ku kulansan Dhuusamareeb ay dantooda gaarka ah ka hormariyaan danta guud una tanaasulan shacabkooda islamarkaasna ogaadan in talada lala leeyahay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.
Ugu dambayn waxay ururrada bulshadu ugu baaqeen saaxibada iyo taagerayaasha beesha caalamka ee Soomaaliya inay ka yeeshan aragti mideysan oo u horseedi karta taageeradooda iney noqoto mid wax ku ool ah, horseedi kartana ku taageerida Soomaaliya helida degenaashaha iyo dhameystirka dhismaha dowladnimada Somaaliyeed.