Dalalka Mareykanka iyo Canada ayaa galay xaalad degdega markii hawada Mareykanka uu soo galay Qalab Buufin weyn ah oo la sheegay inuu leeyahay Shiinaha, ayna ku xiran yihiin qalab wax basaasa.
Saraakiisha Wasaarada Difaaca Mareykanka ayaa sheegay in Buufinkaasi weyn ay qabteen Raadaaradda Ciidamada Mareykanka isagoo ku jira hawada sare ee Mareykanka, waxaana isla xalay la kiciyay saddex diyaaradood oo kuwa dagaalka ah oo Buufinkaasi kormeer ku sameeyay.
Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in Buufinkan uu dul maray dhinaca Waqooyi-Galbeed ee Mareykanka, halkaasoo ay ku yaalaan saldhigyada ciidamada cirka oo xasaasi ah iyo xarumaha Gantaalada istiraatiijiga ah ee nukliyeerka dhulka hoostiisa.
Wargeysja The Wall Street Journal ayaa qoray in wasaaradda arrimaha dibadda ay u yeertay mas’uuliyinta safaaradda Shiinaha ee Washington, sababo la xiriira buufinka basaaska ah ee Shiinaha.
Buufinka oo soo gaaray degaanja Montana, ayaa loo diray diyaaradaha dagaalka ee F-22 iyadoo go’aan laga qaadanayo waxa laga yeelayo. Sarkaal sare oo ka tirsan gaashaandhigga Mareykanka ayaa isna saxaafadda u sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, xoghayaha gaashaandhigga Lloyd Austin iyo saraakiisha sare ee milateriga ay ka wadahadleen in lasoo rido buufinkaasi, balse ugu dambeyntii ay go’aansadeen in ay halis gelin karto dad badan oo goobta ku sugan.
Dowladda Shiinaha ayaa markii ugu horeysay maanta ka hadashay Buufinka ay u dirtay hawada Mareykanka, waxayna cambaareysay hadallada Mareykanka kasoo yeray. Dalka Canada ayaa isna sheegtay inay hawadeeda uu ku jiro buufin kale oo Shiinuhu leeyahay.
Afhayeen u hadashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Mao Ning ayaa sheegtay in Shiinuhu uu baarayo arrinta buufinta ee ay soo qaadeen saraakiisha Mareykanka. Mao ayaa intaa ku dartay in malo-awaalku aanu ahayn mid xal u noqon kara xal sax ah, iyadoo ugu baaqday labada dhinac inay si deggan oo taxadar leh uga wada shaqeeyaan arrinta buufinta.
Afhayeenka Pentagon-ka Gen.Patrick Ryder ayaa saxaafada u sheegay in Maraykanku ay ogaadeen oo ay ku raadjoogaan buufinta ilaalada ee hadda dul heehaabaya hawada Maraykanka.
