Sunday, March 26, 2023

Xasan Sheekh oo ku laabtay Baydhaba iyo Shirkii Dib u heshiisiinta K/Galbeed oo xaalad…

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba, isagoo halkaasi dib ugu laabtay si loo anba qaado shirkii dib u heshiisiinta K/Galbeed.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Garoonka Shaatigadud ee magaalada Baydahaba kusoo dhoweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, Madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo mas’uuliyiinta maamulkaasi.

Waxaa la filayaa inuu magaalada Baydhaba ka furmi doono wejiga labaad ee Shirka Dib u-Heshiisinta Koonfur Galbeed oo looga hadlayo khilaafka siyaasadeed iyo muddo kororsiga Madaxweynaha maaulkaasi, kadib markii lasoo xiray wejigii koowaad.

Ad

Gudoomiyaha Gollaha Shacabka BFS Mudane Shekh Aadan Maxamed Nuur ayaa ku sugan magaalada Baydhaba, isagoo halkaasi ka wada waawaanta dhinacyada K/Galbeed, waxayna wararku sheegayaan in wejiga labaad oo ah mid culus go’aan looga gaari doono doorashada madaxweynaha iyo Baarlamaanka maamulkaasi oo muran ka taagan yahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,959FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,958FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!