Sunday, March 26, 2023

Ilhan Omar laga saaray Guddiga Dibadda ee Kongareeska iyo Khudbad Qiiro leh oo ay jeedisay

Xisbiga Jamhuuriga ee Aqalka Koongareeska Mareykanka ayaa codeyn aya qaadeen Guddiga arrimaha Dibadda uga saaray Ilhaan Cumar oo ah xubin ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, iyadoo maalmo ka horna laga saaray guddiga arrimaha Afrika.

Codeynta oo u dhacday Jamhuuriga 218 cod iyo Dimoqraadiga 211 cod ayay Mudanayaasha labada Xisbi lakala mareen safteen xisbiyadoodaa, kadib dood dheer oo Dimoqraadiga ay ku eedeeyeen Jamhuuriga inay Ilhaan ku beegsanayaan midabkeeda iyo isirkeeda darteed.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa hore u ballaqnaaday inuu heyso codad ku filan oo uu Guddiga Arrimaha diabdda uga saaro Ilhan Omar, isagoo ku eedeeyay inay dhaleeceyn hore oo ay u jeedisay Israel, taasoo ahayd naceyb.

Ad

Inta aan guddiga Arrimaha dibadda laga saarin ayey Ilhaan Cumar Koongareeska ka jeediyay khubad qiiro leh oo aad u culus, iyadoo sheegtay inay Koongareeska u gashay in codkeeda la maqlo oo aanay aamusin karin xisbiga Jamhuuriga.

Ilhaan ayaa si qiiro leh u caddeysay inay codkeeda ku difaaci doonto dhammaan dadka dunida ee xuquuqda ka maqan tahay, qaxooiga iyo cid kasta oo dhibaato heysato, ayna si ka darran sidii hore ay u hadli doonto.

Guddiga Arrimaha Afrika ee Congress-ka waa qeyb hoosaad ka tirsan Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka oo awood u leh arrimaha diblomaasiyadda iyo amniga qaranka, oo ay ku jiraan kaalmada shisheeye, awoodaha dagaalka, iyo fulinta cunaqabateynta caalamiga ah.

- Advertisement -

Hoggaamiyaha Dimoqraadiga ee Koongareeska Hakeem Jeffries ayaa sheegay in Ilhaan la beegsaday, basle ay dhinacooda ka dari doonaan Guddiga Miisaaniyadda oo ay cod ku yeelan doonto, halka Ikraan ay ballanqaaday inay kusoo laaban doonto isla guddiga laga saaray.

Tan iyo markii xisbiga Jamhuuriga ay ku guuleysteen talada Aqalka Congress-ka bishii November ee la soo dhaafay, Hogaamiyaha Aqlabiyadda Kevin McCarthy ayaa caddeeyay inuu dadaal u geli doono sidii Ilhaan Cumar uga saari lahaa guddiga arrimaha dibadda, taasoo goor dhow dhacday.

Ilhaan Cumar oo ah siyaasi Mareykan ah asalkeeduna yahay Soomaali, ayaa ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, waxayna ku guuleysatay xubinnimada Aqalka Congress-ka ee Minnesota November 2016, iyadoo noqotay qofkii ugu horreeyay ee Muslim ah oo xijaaban oo ka tirsan sharci-dejinta Mareykanka, waxaan mar kale la doortay 2022.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,959FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,958FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!