Buuq iyo Muran ayaa hareeyay fadhigii Baarlamaanka Puntland ee saaka, kadib dood ka dhalatay Guddiga loo xil saaray kasoo talo bixinta Xeerka Doorashooyinka Qof iyo Cod ee Puntland.
Guddiga ayaa ku qeybsamay sidii loo qaban lahaa Doorashada Puntland ee khilaafku ka taagan yahay, waxayna fadhigii Baarlamaanka ee maanta kasoo jeediyeen in dib loo dhigo Xeerka Doorashada iyo in marka hore xal laga gaaro khilaafka siyaasadda ee ka taagan Puntalnd.
Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf ayaa sheegay inaan Guddiga loo dirin arrimo siyaasadeed, wuxuuna ku dhawaaqay inuu kala diray Guddigii ka shaqaynta Xeerka Doorashooyinka Qof iyo Cod.
Go’aanka Guddoomiyaha ayaa fadhiga ka dhalisay Buuq iyo jaha wareer, taasoo keentay in fadhigii degdeg loo soo xiro, laguna kala dareero kulanka.
Arrimaha Guddigu isku khilaafay waxaa ka mida: In Doorashada Golaha wakiilada dib loo dhigo sanad, balse la soo hormariyo Doorashda Madaxtooyada iyo in isku mar la wada qabto, halka qaar kale soo jeediyeen in Doorashada la joojiyo.
Guddiga la kala diray waxaa guddoomiye u ahaa Saadiq Abshir Garaad ayaa hore u sheegay in ay ka hor tegeyaan wixii dhibaato ka dhalin kara Puntland inta xal looga helayo khilaafka Doorashada ee Puntland.