Sunday, July 6, 2025

Buuq iyo Fowdo ka dhalatay Doorashada Kursigii labaad ee Jowhar (Yaa ka danbeeyay?)

Fowdo iyo buuuq ayaa hareeyay kursigii labaad ee Aqalka Sare oo Doorashadiisa caawa ka socotay magaalada Jowhar, markii lasoo gabagabeeyay wareegii koowaad.

Kursigan waxaa isu sharxay shan musharax oo kala ah: Cali Shacbaan Ibraahim, C/qaadir Xanafi Sheekh Bashiir, Caasho Xuseen Abuukar, Cabdalla Cabdi Xuseen, iIyo C/llaahi Axmed Tawaad oo ka baxay tartanka intii aanay doorashada bilaaban.

Markii tirintii codadka ay soo idlaaday wareega koowaad ayaa buuqa ka dhashay goobta doorashada, waxaana bilaabay xildhibaanno dood ka qaba sida wax u dhaceen, iyadoo kadib hawada laga saaray muuqaalladii tooska ahaa ee Doorashada.

Waxaa la arkayey xildhibaano doonaya inay hor istaagaan Doorashada oo ay u cuntami weysay sida codadka u dhaceen, isku dayaya inay qas iyo fowdo ka abuuraan meesha, taasoo keentay in howshii la hakiyo.

Xildhibaannada ayaa fowdo abuuray, waxaan markii danbe soo baxay xildhibaannada diidan sida doorashada u dhacay, iyadoo ciidamada loogu yeeray inay meesha ka saaraan, kadibna waxaa sii kordhay buuqii iyo fowdadii, iyadoo nalkii la damiyey, kadibna xaaladu cuslaatay.

Xildhibaannada buuqa sameeyay ayaa la sheegay inay taageersan yihiin Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed oo wata Murashax Cali Shacbaan, kaasoo u muuqday in looga horeeyo cadodka.

Natiijada wareegii koowaad ayaa noqotay sida soo socota:

1- C/Qaadir Xanafi Sheekh Bashir, 35 cod

2- Cabdalle Cabdi Xuseen 29 cod

3- Cali Shacbaan Ibraahim: 28 cod

4- Caasho Xuseen Abuukar: 2 cod

Kursigan oo ka mida kuraasta Aqalka Sare ee Beesha Xawaadle ayaa la joojiyey, kadib fowdadii ay sameeyeen taageerayaasha Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Dabageed, iyadoo aanay weli wax war ah kasoo bixinn Guddiga Doorashada iyo madaxda Hirshabelle oo la sheegay inay shir isugu tageen dhacadan kadib.

Xildhibaanno ayaa dagaal u tegay goobtii Guddiga Doorashada

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON