Monday, July 14, 2025

C/CASIIS LAFTA-GAREEN: Musharaxa Madaxtooyada & Lama-filaanka kasoo wajihi kara Doorashada K/Galbeed

Doorashada madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya waxay isu bedeshay doorasho la sii ogyahay qofka ku guuleysan doona, kadib markii dowladda Soomaaliya ay awood milateri iyo mid dhaqaale isugu geysay sidii ay u soo saari lahayd musharax ay wadato.

Wasiirkii hore ee Tamarta iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka C/casiis Nuur Maxamed (Lafta-gareen) waa shaqsiga dooran ee maanta la dooran doono, marka la eego sida wax u dhaceen tan iyo intii uu is-casilay Shariif Xasan Sheekh Aadan, isla markaana la xiray Mukhtaar Roobow.

Si kastoo ay noqotaba waxa dhici karta in arintu lama filaan ku dhammaato ama halis weyni soo wajahdo, taasoo ka dhalan karta diidmada weyn ee qorshaha dowladda ay kala hor yimaadeen dadka K/Galbeed.

Xildhibaannada K/Galbeed oo gaaraya 149 waa bani’ aadam, waxayna leeyihiin damiir, wayna gaari karaan go’aan caafimaad qaba oo ka duwan culeyska la saaray iyo dhaqaalaha loo adeegsaday, mar haddii ay doorashadu tahay qarsoodi, xildhibaankuna codkiisa qarsoodi u dhiibanayo.

Lama filaanka sugaya C/casiis Lafta-gareen, waxaa ka mida:

1- In Doorashada lagu kala bixi waayo wareegga koowaad oo uu heli waayo codadka 2/3, mushariixintana kasoo dhex baxo lama filaan.

2- In Xildhibannada K/Galbeed u codeeyaan rabitaankooda, codkoodana kula dagaalamaan rabitaanka dowladda Soomaaliya. halkaasina ay ka dhacdo “Lacag waa qaadasho, Codkuna waa qarsoodi”.

Mar kastoo wareega koowaad lagu kala bixi waayo, waxaa sii adkaanaya rajada musharaxa dowladdu wadato ee C/casiis Lafta-gareen, laakiin waxay doorashadan tijaabo u tahay dadnimada xildhibaannada K/Galbeed oo aan weligood madaxweyne Dooran, sanad kadibna meesha ka bixi doona.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON