Monday, July 7, 2025

C/casiis Lafta-gareen oo Muqdisho kulan Gaara kula yeeshay xildhibaannada laga soo doortay K/Galbeed & Arrimihii looga hadlay

Madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa magaalada Muqdisho maanta kulan gaara kula yeeshay xildhibaannada laga soo doortay K/Galbeed Soomaaliya.

Kulankan oo lagu sheegay inuu ahaa kala-War qaadasho iyo qado sharaf ayaa ka dhacay Guriga Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana ka qeyb galay xubno ay ka mid yihiin Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamanka Soomaaliy Cabdiweli Ibraahim Muudey iyo Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), wasiiro iyo xidhibaano kasoo jeeda Maamulka K/Galbeed ee Soomaliya.

Arrimaha ugu waaweyn ee kulanka looga hadlay waxaa ka mid ahaa dhismaha Baarlmaanka cusub ee K/Galbeed, xaaladda maamulka K/Galbeed iyo arrimo kale, waxaana warbixin ka jeediyey madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta gareen.

Balanqaadkii Madaxweynaha K/Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ahaa inay soo deynayaan Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa shaqeyn waayey, iyadoo uu weli u xiran yahay dowladda Soomaaliya, waxayna arrintan ka mid tahay dhibaatooyinka heysta C/casiis Lafta-gareen.

Image may contain: one or more people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoor
Image may contain: 5 people, people smiling, people standing
Image may contain: 16 people, people smiling, wedding

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON