Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo ah siyaasi hore u soo noqdaywasiir iyo xildhibaan ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu lumiyey taageeradii shacabka ee uu heysatay markii la doortay.
“Soomaalidu waxay tiraahdaa ‘la mood, noqonse weyday’, madaxweyne Farmaajo markii la dooranayay wuxuu heysatay shacbiyada faro badan, qof walbana wuxuu lahaa ‘Farmaajo ii geeya’ laakiin wixii oo idil hadda wuu lumiyey, sidii la moodayay iyo sida uu noqday waa kaaf iyo kala dheeri, dhammaan ballan qaadyadiisiina waxay noqdeen hal bacaad lagu lisay”, ayuu yiri C/qaadir Dhaqane.
Siyaasiga ayaa sheegay in dhibaatooyinkii ay dowladda Farmaajo faraha la gashay labadii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna yiri “Waan ognahay sida uu noqday xiriirkii arrimaha dibadda Soomaaliya iyo sida ay hoos ugu dhacday siyaasaddii arrimaha dibadda gaar ahaan waddamada khaliijka, waxaa waddanka laga eryay Haysom oo ka socday xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, suuqii siyaasadda arrimaha dibaddana wuu ka xirmay Soomaaliya. Dhanka gudahana, waxaan la soconnaa inuu ku fashilmay wada shaqeynta dowlad goboleedyada iyo wada hadalkii Soomaaliya iyo Soomaaliland”.
Cabdiqaadir Dhaqane ayaa shaki ka muujiyey in Madaxweyne Farmaajo uu wax hagaajin karo muddada 2-da sano ee u hartay, wuxuuna sheegay inuusan fileyn inu u soo jeesanayo waxqabad, dhinacna iska dhigi doono siyaasaddii gurracneyd ee ku dhisneyd aargoosiga.
