Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Xasan C/nuur (Janan) oo markii ugu dambeysay isu dhiibay dowladda Federaalka, kadib heshiis ay kasoo shaqeeyeen madaxda Hay’adda NISA ayaa shaaciyey inuu yahay Musharax xildhibaan.
Isagoo shir jaraa’id ku qabtay Hotelka jazeera oo fadhiga u ah Musharixiinta mucaaradka ayaa sheegay inuu markii hore degi jiray guryo u dhow xarunta Nabadsugidda ee NISA, haddana u wareegay degaanada kale ee caasimadda, isla markaana aanu ahayn nin dagaal u socda.
C/rashiid Janan wuxuu ka hadlay inuu yahay musharax u taagan xilka xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, taasina ay tahay waxa uu hadda doonayo inuu ku howlgalo, isagoo u mahad celiyey sida uu doorashada u hoggaaminayo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen rooble.
Wuxuu sheegay in ciidamadii uu ku wareejiyey dwladda ay yihiin ciidamo qaran oo dowladda hoos taga oo aanay jirin ciidamo uu isagu leeyahay, heshiiskii nabadeed uu qaatayna uu yaahy sidiisii.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay isku maandhaafeen damaca C/rashiid Janan ee ahaa inuu ka mid noqdo xildhibaannada Baarlamaanka 11-aad, taasoo keenay inay labada dhinac isku dhacaan, kadibna C/rashiid Janan uu xiriir la yeesho siyaasiyiinta mucaaradka ee Muqdisho oo midkood uu marti geliyay.
Arrintan ayaa dhabarjab ku ah Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo oo si-dhiibidii C/rashiid Janan ka dhigay guul weyn oo siyaasadeed.
