Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa si toos ah u iftiimiyey doorka uu qaadanayo Taliyaha Hay’adda Nabadsugidda Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, isagoo ku tilmaamay inuu la mid noqday Maxamed Cali Samatar-kii uu Maxamed Siyaad Barre xilkan hore ugu magacaabay.
Qoraal weerar ku ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo aan weli magacaabin Ra’iisal wasaare cusub ayuu ku yiri C/raxmaan C/shakuur: “Doorashadii Hirshabelle waxaa lagala hadlayaa taliyaha Nabadsugidda (TN). Xalka Gedo waxaa ka xaajoonaya Madaxweynaha Jubbaland iyo TN. Waxaa kulmay madaxweynihii hore iyo TN. Madaxweynayaasha maqan waxaa raadinaya TN. Horta sii hayihii aaway? mise waa maqaar saar? Maxaase Raysalwasaare looga baahanyahay mar haddii uu hawlahan TN hayo?..”
Wuxuu intaas ku daray inay tahay in Ra’iisal wasaare loo magacaabo Fahad Yaasiin, mar haddii ay hore u dhacday. “Maa wiilka xilka loo magacaabo illeyn xaajo ugub ah maaha oo horay ayaa Maxamad Siyaad xilkaan ugu magacaabay Maxamad Cali Samatar oo beesha shanaad ah, beesha sugaysana dacwadii ayaa ka dhamaatee looga faataxeeyo?..” ayuu qoraalkiisa ku yiri C/raxmaan C/shakuur.
