Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay Hoobiyeyaal lagu weerarray xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa oo dhaawac kasoo gaaray laba ka mida ilaaladiisa.
“Wuxuu Alle maanta naga samata bixiyey hoobiye lagu garaacay xarunta Golaha Shacabka, waxaa ku dhaawacmay dad badan oo ay labo ka mid ah ilaaladayda gaar ah yihiin. Hoobiyuhu uma muuqan mid meel fog ka yimid, wuxuuna qayb ka yahay qalqal gelinta amniga iyo isku dayga dib loogu dhigayo doorashada” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.
Wuxuu soo jeediyey in wixii hadda ka danbeeya waa in kulamada, khudbadaha iyo doorashada Guddoonka Labada Aqal iyo ku xigeennadooda loo wareejiyo oo lagu qabto Teendhada Afisyoone, si aysan dib uga dhicin doorashada.
Xildhibaanka C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in hay’adaha Amniga ee hadda jira aysan sugi karin Amniga, ayna jirto qorshe lagu doonayo in dib loo dhigo doorshda iyadoo qof gaara loogu daneyneyo.
