Siyaasiga C/raxmmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay inay soo baxday xantii hore looga maqli jiray Villa Somalia oo ahayd in Madaxweyne Farmaajo uu aaminsan yahay in hantida, ganacsiga iyo maalgashiga inta badan Muqdisho yaala uu yahay sharci darro, laguna soo celiyo gacan dowladda.
Wuxuu intaas ku daray inuu jiro qorshe lagu: Qarameeyo (nationalize) shirkadaha diyaaradaha, kuwa Isgaarsiinta, Korontada, Biyaha iyo Maaliyada iyo In lala wareego dhismayaalka danta guud ee dawladihii isaga ka horeeyey ay bixiyeen ama heshiis kiro mudo dheer ah ku galeen, kuwaasoo ay haatan ka dhisan yihiin kaalimo shidaal, hoteelo iyo jardiinooyin beero nasasho iyo ganacsi kale oo waawayn.
“Waxay ilo xog-ogaal ahi ii sheegeen in Farmaajo uu kala dooran siiyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir in uu is casilo ama burburiyo jardiinooyinka ay horay u bixiyeen dawladihii hore…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.
Wuxuu is weydiiyay: xagee laga soo bilaabayaa sharciga iyo bixinta dhulka danta guud ee ay dawladu bixisay ama kiraysay? Ma Dawladii la doortay ee rayidka ahayd, ma tii xukunka xoogtay ee miliateriga ahayd? Mise kuwii ku meelgaarka ahaa ee uu Madaxweyne Farmaajo u danbeeyo.?