Monday, July 14, 2025

C/raxmaan C/shakuur: “Madaxtooyada & NISA waxay ku howlan yihiin xil ka tuurista madaxda Galmudug & Hirshabelle”

Siyaasiga mucaaradka ah ee sida weyn ugu kacsan dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku eedeeyay Villa Somalia iyo xilligan ku howlan tahay sidii xilka loo tuuri lahaa madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Hirshabeelle.

“Madaxtooyada iyo Hay’adda Nabadsugida waxay ku hawlan yihiin xil ka tuurista Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle. Horay waxay ugu mashquulsanayeen hurinta colaad siyaasadeed ee Jubaland iyo hanjabaad joogta ah ee Somaliland..” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo baraha bulshada ku dhaliila dowladda Soomaaliya.

Wuxuu ku eedeeyay Hoggaanka  madaxweyne Farmaajo xiisad abuur, isagoo ugu baaqay baaqaaya madaxda federaalka in ay isku hawlaan isku soo dhowaynta iyo dhisida kalsoonida dadka Soomaaliyeed iyo deegaanada kala irdhaysan.

C/raxmaan C/shakuur ayaa si joogto ah u tiriya eedo iyo dhaliilaha dowladda federaalka, inkastoo mar dhowaan la weydiiyey haddii ay jiraan wax uu u ammaani karo  xukuumadda uu tilmaamay nidaamka Maaliyadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON