Wednesday, August 12, 2020
More

    C/raxmaan C/shakuur oo Beesha Caalamka oo kaliya uga mahad celiyey heshiiska Ahlu suna & dowladda Somalia

    Siyaasiga C/raxmaan C/sharkuur ayaa bogaadiyey heshiiska ay dowladda Somalia iyo Ahlu suna ka gaareen dhinaca siyaasadda iyo xulista Baarlamaanka cusub ee Galmudug, wuxuuna uga mahadceliyay beesha caalamka.

    “Waxaan bogaadinaynaa meelmarinta heshiiskii siyaasadeed ee ay horay u wada gaareen dawlada Federaalka ah iyo Ahlusunna. Hore waxaa u fulay heshiiska dhinaciisii amniga oo ahaa isku dhaf ciidanka, maantana waxaa bilawday dhinicii isku darka siyaasada. Waxaan mahad u jeedinayaa beesha caalamka, gaar ahaan dawlada Maraykanka UN ka, UK iyo EU oo gacan wayn ka gaysatay meel marinta heshiiska labada dhinac…” ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo aan soo qaadin una mahadcelin dowladda Somalia.

    Ad

    Wuxuu soo jeediyey in la tixgeliyo tabashooyinka beelaha, oo la dhageysto talada waxgaradka iyo saamilayda siyaasadeed ee Galmudug, sida uu yiri. Siyaasigan ayaa si weyn uga horjeeda madaxda dowladda Soomaaliya.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    144,715FansLike
    1,858FollowersFollow
    5,574FollowersFollow
    144,715FansLike
    1,858FollowersFollow
    5,574FollowersFollow

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!