Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo si weyn ugu kacsan dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo ayaa mar kale weerar culus ku qaaday Hay’adda NISA iyo ciidamadeeda.
Siyaasiga oo ka tegay Muqdisho markii Xeer jajab lagu dhammeeyay dacwadii ka taallay Maxkamadda Rafcaanka G/Banaadir ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in 8 ka mida ciidamadii weeraray Gurigiisa Bishii Disembar 2017 ay dib ugu laabteen kooxda Alshabaab oo markii hore ay ka baxsadeen kuna biireen NISA.
C/raxmaan C/shakuur ayaa eedeyntan culus u daliishaday xog uu ka helay NISA, wuxuuna intaas ku daray in arrintan ay caddeyn u tahay sida hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ay u dhex galeen una adeegsadaan argagixisida.
Ma jirto wax caddeyn ah oo Siyaasigan uu soo bandhigay marka laga reebo ilo ka tirsan NISA oo uu soo xigtay, waxayna ka mid tahay weerarro is daba joog ah oo C/raxmaan C/shakuur ku qaadayey NISA kadib weerarkii lagu soo qabtay ee dhaawaca kasoo gaaray 17-kii Disembar 2017.
Soomaali badan oo faallo ka bixiyay eedeynta culus ee ka timid C/raxmaan C/shakuur ayaa siyaasiga ku dhaliilay ololaha uu ku hayo NISA, waxayna dadka intooda badan si shaqsi ah u weerrareen isaga.